Home » News »

Warar sheegaya in AL-Shabaab isaga baxeen deegaanka Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe

Warar hadda naga soo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay ku waramayaan in goor dhaw halkaasi iskaga baxeen al shabaabkii maamuli jiray.

Inkastoo dadka ay ka cabsanayaan inay ka warbixiyaan qaabka ay ubaxeen shabaab iyo jawiga sida uu noqon doono ayaa hadana waxay inoo xaqiijiyeen ciidamo badan oo al shabaab ah inay magaalada ka baxeen.

Markii ay kabaxayeen Al shabaab degmada Cadale waxay si xoog ah uqaateen gaari nuuca Biijiiga loo yaqaano oo nin lagu magacaabo Jimcaale uu lahaa.

Ninka gaariga al shabaab xoogga uga qaateen oo lahadlay Warqabad24.com ayaa waxa uu sheegay in ciidamadu si awood ah uga qaateen gaarigiisa kuwaasi oo ilaa hadda meel ay la aadeena uusan sheegin.

Jawiga magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa hadda lagu soo waramayaa in xaaladu ay tahay mid deggan iyadoo dhinaca kale la hadal hayo shabaabka magaalada ka baxay.

Al-Shabaab ayaa shalay waayay gacan kuhaynta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay halkas oo ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.