Home » News »

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Magalaada Jowhar iyo dad xabsiga la dhigay

Xaalada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa degan kadib markii ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ay shalay kala wareegeen Shabaab.

“Jawiga ayaa aad u wanaagsan mana jiro wax dhibaato ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana ciidamo badan loo geybiyay goobaha ganacsiga ee magaalada Jowhar”ayuu sheegay goob jooge lahadlay AOL .

Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga iyo goobaha waxbarashada ee Jowhar ayaa saaka ah mid dib u bilowday caadina u shaqeynaya waxaana la sheegayaa in dadka ay si nabad ah ula qabsadeen is bedelka.

Sanado ka dib xalay ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa waxay ku hoydeen magaalada Jowhar ee Shabeelaha Dhexe,taasii oo ka dambeysay markii Alshabaab ay isaga baxeen magaalada.

Sidoo kale xaalada Degmada Mahadaay ayaa wanaagsan ciidamada dowladana waxay ku sugan yihiin deegaanka Buurane oo aan ka fogeyn Degmada Mahadaau.

Ka sokow dhaqdhaqaaqa Ganacsiga dadka magaalada ayaanan wax weyn u arkin isbedelka waxaana ay sheegeen inay aheyd arin ay wada sugayeen.

Saraakiisha amaanka magaalada ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ay howlgallo ka samayn doonan magaalada si amaanka loo xaqiijiyo.

Howlgallo ay xalay magaalada ciidamada ka sameeyeena waxaa lagu soo qabtay ilaa 7 ruux oo looga shakisan yahay Shabaab inastoo ay wararka sheegayaan in lasii daayay

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.