Home » News »

Xafiiska Wasaarada Caafimadka ee Gobolka Gedo oo beeniyay warar sheegayay in xaalado caafimaad oo qatar ah ay ka taagan yihiin Gobolka

War Saxaafadeed Maanta ka soo baxay Xafiiska isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in ayan waxba ka jirin Warar laga faafiyey Gobolka oo sheegayey in Xaalad Caafimaad oo Qatar ah in ay ka taagan yihiin  degmooyinka iyo Tuullooyinka Gobolka Gedo.

Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gedo Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo la hadlayey warbaahinta ayaa nasiib daro waxaa uu ku tilmaamay rag wata Magacyo Ururo Samal iyo kuwa kaleba in ay Gobolka ka qoreen warbixin qaldan oo ay ku sheegayaan in Xaalad Macaluul ah in ay ka jiro Gobolka Sida Cudurada Jadeecada, Shubanka iyo Malaariyada, isagoo sheegayna in xaalku uu sidaas ka bedelan yahay.

“Maalin iyo habeen waxaanu la xariirnaa degmooyinka Gobolka iyo Tuullooyinka waxaana wax weydiinaaa Dhaqaatiirta, Maamulada  iyo Odoyaasha wax dhibaato oo kahatar ahna nooma ayan sheegin,marka laga reebo deegaano hoostaga Ceelwaaq oo ay ka mid tahay Tuullada Buusaar oo dhowr qof ay ugu dhinteen Cudurka Jadeecada, tasina dhibaatooyinka jira ayey ka mid tahay, laakiin ma haboona in Gobolka laga dilo Sumcada.

Shire ayaa ugu dambeentii waxaa uu ugu Baaqey shacabka ku dhaqan Gobolka  in ay ka fogadaan waxyaabaha Beenta ah ee lidka ku ah sumcada Bulshada Soomaaliyeed  ee degta Gobolka, waxuuna uga digey Hay’adaha Samafalka Caalamiga iyo kuwa Wadaniga ah in ayan faafinin waxyaabaha Been abuurka ah, islamarkaana waxii Caafimaadka ku saabsan ay kala soo xariiraan Xafiiska Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gedo.

Hadalkani ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii mid ka mid ah Ururada Samafalka ee ka howlgala Gobolka Gedo uu warbixin dheer uu kaga hadlayo Caafimaad darida ka jirta Gobolka Gedo uu u gudbiyey Hay’adaha Caalamka ee ka howlgala Soomaaliya  iyo Dowlada Soomaaliya, taasi oo lagu sheegayey in Xaalad qatar ah ay ka jirto arimaha Caafimaadka ee Gobolka Gedo.
————–
A. Ismaaciil, Jubbaland News -Baladxaawo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Xafiiska Wasaarada Caafimadka ee Gobolka Gedo oo beeniyay warar sheegayay in xaalado caafimaad oo qatar ah ay ka taagan yihiin Gobolka "

  1. b/xaawo says:

    waan salaamayaa webka iyo maamulkiisaba
    waxaan kaloo salaamyaa shire coley oo aan aqoon uleeyahay
    run ahaantiina ah shakhsi bulshada reer gedo sumcad fiican kuleh
    laakiin cudurada faafa ma sahlana adiga shire ahna waadba qirtey
    in gobolka qaybo kamida looga dhintey marka in laga hortago lana hor istaago
    siifaafida cudurada waxay sumcad utahay gobolka hadii ayjirto qaraabasho kale
    fadlan sumcada ha nagadilina ee sikale u irsaaqad raadsada

  2. gas says:

    acw waan idin salaamay dhamaan shaqaalaha websiteka allgedo online dhanka kale mr shire gobolka aad la xariirtid degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa laakiin cudurka malaariyada waa ay ku badan tahay gobolka shuban biyoodkana wuu soo noqonoqday haday hayado samofal ah qoreen arintaas dabcan inaad beeniso ma ahan laakiin waa inaad ku dadaashaa sidii wax looga qaban lahaa tan kale xafiiska aad ku magacawday wasaarada caafimaadka ee gobolka gedo xageebuu ka hawlgalaa, maxayse wax uga qaban waayeen cusbitaal xumida ka jirta gobolka iyo weliba dawooyinka dhaca oo ah meelaha ugu badan ee lagu iibiyo iyo weliba dad aanan aqoon u lahayn haysana shahaadooyinka caafimaad inay ka hawlgalaan, fadlan magac kaliya bulsho waxba uma qabto kudadaala inaad dhisataan cusbitaalo iyo weliba meelo dadka bukaanka ah wax loogu qaban karo

  3. gold account says:

    Ceelwaaq: Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka, gaar ahaan kuwooda caafimaadka in ay la soo gaaraan dawo iyo gurmad xagga caafimaadka Ceelwaaq iyo deegaannada ku teedsan kadib markii ay cudurro ka dilaaceen.