Home » News »

Al-Shabaab oo caawa weerar xooggan ku qaaday magaalada Jowhar

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw la maqlay jug xoogan oo loo maleynayo qarax iyadoo rasaas la maqlayo.

Dad kusugan magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafada Kulmis halka loo yaqaano Bagaashka ayaa iska horimaad ku dhexmaray ciidamada dawlada iyo kuwa Al shabaab oo weeraray halkaasi.

Bagaashka halka loo yaqaano waxay ku dhaw dahay xaruntii MSF deggeneyd xaafada Kulmis waxaana dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ay muujinayaan cabsi xoogan oo arimahaan ku aadan.

Qof goob jooge ah oo taleefoonka aan kula hadalnay waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid jugtiisa xaafadaha dhan laga maqlay iyadoo rasaas xoogana ay xigtay una muuqatay mid la isweydaarsanayey.

Al shabaab ayaa weerarka qaaday waxaana ay daba socotaa hadal kasoo baxay maanta gudoomiyaha ugu magacaaban shabaab Kaba-kutukade uu ku sheegayey inay wali joogaan ayna dib uqabsan doonaan Jowhar.

Dadka ku dhaqan Jowhar oo qaraxii afaraad 48-saacadood maqlaan shan sano oo amni iyo rasaas aysan maqlin waxaana rasaasta caawa ka dhacday magaalada dadka ku abuurtay cabsi xoogan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Al-Shabaab oo caawa weerar xooggan ku qaaday magaalada Jowhar "

  1. Qarax jug xoogan sameeyay ayaa wuxuu caawa ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, iyadoo la sheegay inay geysteen ilaa laba nin oo dhalinyaro ah.