Home » News »

Amisom “Al-Shabaabka dagaalamaya waa inay isku soo dhiibaan dowlada”

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa si kulul kaga hadlay baaqna u jeediyay ciidamadii ka tirsanaa Alshabaab ee dhawaan ka baxay magaalada Jowhar ee Shabeelaha Dhexe.

Xumad ayaa sheegay in uu baaq u jeedinayo ciidamada Alshabaab ee dhawaan ka baxay magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe, waxaana uu sheegay in Alshabaab hadda ay u furan tahay kaliya inay kusoo biiraan dhanka dowlada Soomaaliya isla markaana ay qeyb ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in Alshabaab ka hor inta aan lasoo qaban ay u furan tahay kusoo biirida dowlada, waqtigaana loo sameynayo dhaqan celin sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii lasoo qabtaa aysan heli doonin wax tixgelin ah isla markaana maxkamad lasoo taagi doono laguna wareejin doono Nabad sugida.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili Shabaab ay hada dagaalo kala kulmayaan ciidamada huwanta oo laga qabsaday magaalada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.