Home » News »

Faah Faahin: Qarax qasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka Ka’imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qaraxa Jugtiisa aad loo maqlay uu dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn buundada magaalada Jowhar, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa durbaba goobta tagay waxaana lasoo sheegayaa in uu yaalay meydka wiil dhalinyaro ah.

Ciidamada ayaa iminkaba howlgallo ka sameynaya Meelaha u dhow goobta la qarxiyay ee magaalada Jowhar.

C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgalada Al-Shabaab ayaa horey u sheegay in Jowhar ay u diyaariyeen sidii dhiig cusub ay ugu daadin lahaayeen.

Ciidamada dowlada ayaa howlgalo balaaran ka wada gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoona lasoo sheegayo in dad badan xabsiga loo taxaabay.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.