Home » News »

Dagaal dhexmaray Puntlad iyo Kooxaha Burcad badeedka oo Garacad ka dhacay

garacadWararka ka imaanaya magaalada Garacad ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkas uu ka dhacay dagaal udhaxeeya kooxaha Burcad badedka Soomaaliya iyo ciidamada Puntland

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland ee dhinaca Badda iyo kooxo burcad budeed ah ayaa ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid markii ciidamada maamulka Puntland ee Mariiniska ay weerar ku qaadeen xeebta Garacad oo ay ku sugnaayeen burcad badeed.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inay ku heysteen deegaankaasi barkab iyo shaqaalihii la socday taasi oo dhalisay in burcad beeda la weraro.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalka kuwaasi oo caawiyay ciidamada Mariiniska ee maamulka Puntland iyadoo aan si faahfaahsan loo heyn qasaaraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Mariiniska iyo kuwo Boolis ah ay ku hareeraysan yihiin degmada Garacad,kooxaha burcad badeedana ay gacanta ku hayaan markabkii.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri “Sidaana mala sugayay inay ka dhacdo Xeebta degmada Garacad, waa arin aad naxdin uleh”.

Marar badan ayay Puntland sheegtay in ay la dagaalamayso Kooxdaha Burcad badeeda Soomaaliya iyadoo  utababaratay ciidamo gaar ah.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.