Home » News »

Dowlada oo kahadashay sababtii ay ciidamadeeda uga soo baxeen magaalada Mahadaay

asDhawan magaalada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe wxaa la wareegay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom, hase ahaatee ciidamadaas ayaa dib uga soo baxay magaalada.

Hadaba Waxaa faahfaahin buuxda laga bixiyay sababah keenay in ciidamada dowlada ay kaga soo baxeen degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Maxamuud Saney,oo ah taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ka bixitaankii degmada Mahadaay ay aheyd arin Melatari.

Korneyl Saney ayaa sheegay in markii horeba ay kaliya doonayeen qabashada magaalada Jowhar ee Shabeelaha dhexe islamarkaana degmada Mahadaay aysan ka fogeyn.

Isaga oo hadlayay in ciidamada dowlada Soomaaliya aysan amar buuxda u qabin inay gudaha u galaan degmada Mahadaay ee Shabeelaha dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu xusay inay Alshabaab ka wada saaran Shabeelaha Dhexe ay doonayaan sabab la xiriirta amar ay sugayaan.

Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay magaalada Mahadaay kadib ka bixitaanka ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom, iyadoona uu jiro qorshe dagaal oo ka dhan ah magaaladaas sida ay saraakiisha dowlada sheegen.

AOL Muqdisho Office

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Dowlada oo kahadashay sababtii ay ciidamadeeda uga soo baxeen magaalada Mahadaay "

  1. Idebenone says:

    Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay degmada mahadaay waxayna kazoo galeen dhanka bari sida ay noo xaqiijiyen saraakiisha dowlada soomaaliya ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

  2. silver price says:

    Waraka aan ka heleeyno maagaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dheceen qaraxyo .