Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Hodan ayaa sheegaya in labo ruux ay dhimatay kuwa kalana dhaawacyo uu soo gaaray kadib shil gaari oo dhacay.
Shilkan gaari ee dhacay oo ka dhacay wadada Maka Almukarama ayaa lasoo sheegayaa in uu gaystay qasaarahan dhimashada iyo dhaawaca ah
Labo ruux ayaa la sheegaya inay ku dhinteen shilka gaari iyadoo sidoo kale dad kale ay ku dhaawacmeen shilka ka dhacay wadada maka almukarama.
Gaariga rogmaday oo ahaa nooca Kaaribta ayaa la sheegay inuu marayay wadada maka almukrama kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawac.
Dadka dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen ilaa afar ruux kuwaasi oo la sheegay inay gaariga la socdeen waxaana loola cararay isbitaalada Muqdisho.
Sidoo kale shil baabuur ayaa sakaay ka dhacay deegaanka Gal galato ee duleedka magalaada Muqdisho oo gaari TM- ah halkaasi ku gadoomay oo uu ku geeriyooday hal qof halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.
Shilalka gaari ayaa kusii badanaya gudaha dalka taas oo loo aaneyo wadooyinka oo liita iyo wadayaasha gaadiidka oo aan qibrad wanaagsan lahayn
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.