Home » News »

Wafdi ka socda barlamaanka Jabuuti oo goordhow Muqdisho soo gaaray

diyarad-garonkaWararka iminka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay kasoo dageen wafdi ka socda dowlada Jabuuti.

Wafdiga goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali.

Waxaa la qorsheynayaa in wafdigaan loo gudbiyo hotelka City Plaza halkaasi oo ay ku taalo safaarada Jabuuti ee Soomaaliya,waxaana iminka ay ku sugan yihiin  Garoonka.

Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in wafdiga ka socda Dawlada Jabuuti ay ka qeyb galaan fadhiga baarlamaanka Somalia maanta muqdisho ku leeyihiin kuwaasi oo goor dhaw tagi doona kulanka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in la sugayo gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti islamarkaana laga sugayo xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Wararkii soo kordha dib kala soco AOL insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.