Home » News »

Booliska Kenya oo Xaafada islii ku qarxiyay Bambooyin dhulka lagu aasay

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya ay maanta qarxiyeen waxyaabo la sheegay in ay ahaayeen walxa qarxa oo dhulka lagu aasay.

Haweeney kamid ah dadka deegaanka ayaa ciidamada ku wargalisay in waxyaabo qarxa lagu aasay Barxad gurigeeda u dhow.

Ciidamada ayaa waxyaabahaan la aasay qarxiyay, mana jirto cid ku waxyeeloowday sida lagu soo waramayo.

Waxaa lasoo sheegayaa in Ciidamada ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah Xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Islii kadib markii ay waxyaabahaan Qarxiyeen.

Boqolaal Ruux ayay Ciidamada Kenya xabsiga dhigeen mudo 5 cisho ah oo ay howlgallo balaaran ka wadaan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.