Home » News »

Dhaga badan oo digniin kama danbays ah siiyay Ciidamada qalabka sida

dhaga-badanSaraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxay dardaarankii ugu adkaa ay u jeediyeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee kusugan gobolada kala duwan ee dalka.

Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan”,abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wacad uu ku marayo inaan la arki karin askari hoos u dhigaya sharafta dareeska ciidamada.

Dhagabadan ayaa sheegay inaan la arki karin askari ka tirsan ciidamada qaranka oo dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan sida uu sheegay.

“Umma dulqaadan doono in sharafta dharka ciidanka qaranka hoos loo dhigaa, ruuxii ama askarigii lagu arkaana waa la sharaf tirayaa siduu dareeska usharaftiray” ayuu yiri Dhagabadan.

Hadalka Dhagabadan ayaa imaanaya iyadoo labadii maalin lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Jowhar ee xarunta shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay kala wareegeen Alshabaab.

AOL muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.