Home » News »

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada oo laga hirgelinayo Jowhar iyo Mungaab oo gaaray

ciidan_pjMuddo maalmo ka dib markii ay xeran maxkamada gobolka oo ku taala magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maanta dib loo duray Maxkamada Gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay shaqeynayso xarunta maxkamada gobolka islamarkaana lagu qaadayo dacwadaha kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaasi ay sabab u aheyd arinta la xiriirta in dib loosoo celiyo dhamaan adeegyada bulshada maadaama gacanta ay ku hayaan xarunta gobolka ee Jowhar.

Waa mid horumar leh oo ay gaareen masuuliyiin maamulka ayu yiri gudoomiyaha shabeelaha dhexe maadaaama goobaha ay qabsadaan ciidamada dowlada laga hirgeliyo adeegyada bulshada.

Gudoomiyaha Degmada Jowhar ayaa dhankiisa sheegay in arintaasi ay tahay mid horumar leh islamarkaana ay sii wadi doonaan soo celinta adeegyadii bulshada.

Dhanka kale magaalada Jowhar ayaa waxaa gaaray gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Gen Mungaab.

Sargaalkan ayaa ka shaqeynaya sidii maxkamada ciidamada qalabka sida looga furin lahaa xafiiskeda magaalada Jowhar e gobolka Sh/dhexe.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.