Home » News »

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal “Akhri Magacyada”

Dr-SaacidWaxaa Goordhow uu Ra’’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhawaaqay wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal ka harsana xukumadiisa iyadoona tirada wasiir ku xigeenada ay yihiin 20 halka wasiiru dowlayaashana ay yihiin 5.

Shir uu ku qabtay Madaxtooyada ayaa Ra’isul Wasaaraha waxaa uu sheegay in wasaarad kasta ay yeelan doonto labo wasiir kuxigeen maadaama howsha ay badan tahay, Wasiiradana ay yar yihiin xilalka ay isla hayaana ay badan yihiin.

Magacyaa wasiir Ku Xigeenada iyo xilalka lagu kala magacaabay:

1.  Injineer Maxamed Aadan Axmed iyo Jamal Maxamed Boorow:  Waxaa loo magacaabay Wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha dibedda.

2.  Xasan Ibraahim Maxamed iyo Jaamac Axmed Maxamed:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda arrimaha gudaha.

3.  Maxamed Xasan Aadan iyo Abuukar Xasan Cali:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta.

4.  Bashiir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Macallin Yaxye:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada.

5.  Fahmo Axmed Nuur iyo Xasan Maxamed Jaamac:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda cadaaladda iyo diinta.

6.  Nadiifo Maxamed Cismaan iyo Cali Sheekh Maxamed Nuur:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska.

7.  Siciid Xasan Cismaan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda khayraadka:

8.  Axmed Maxamed Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda gaashaandhigga.

9.  Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil iyo Maxamed Cali Xagaa:  Waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha:

10.  Cabdishakuur Cali Mire iyo Ibraahim Yarow Isaaq:  Waa loo magacaabay wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta.

Magacyada Wasiiru Dowlayaasha iyo xilalka lagu kala magacaabay:

1.  Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed – Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada

2.  Dr. Maxamed Nuur Gacal – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda

3.  Mahdi Maxamuud Cali – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka

4.  Maxamed Rashiid Sheekh Daahir – Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta

5.  Maxamuud Ismaacil Barqadle -  Wasiiru dowlaha wasaaradda horrumarrinta adeegga bulshada.

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal “Akhri Magacyada” "

  1. sharmake says:

    raisal wasaraha waxan leyahay koley waxad fali laheyd fashaye waxan kaasugeyna majirto e sidas kusoco waxadna ogata libax nin galayna og nin galadayna og

  2. asc dhamaan,gaar ahaan dr saacid sida wacan waana u hanbaliyeynayaa inta la magacaabay waxaase kawacnaa inuunan umagacaabin arimaha diinta qof dumar ah mahadsanidiin

  3. shiimow says:

    wan canbaryinay sacad iyo dawlad is ku shegaa xuquudii besha bartire absame ayey mel cidla ah dhigeen war waxani dawlad ma aha ee nagataga dheh qashin la is ku kenay waye

  4. waxan halakan fikir kayaga ku dhinbanaa in la xaqiray beshii bartire oo waliba juboyinka xoog kuleh sidaa bu aale dagmada xagar tuloyin badan sida banta qalawiley iyo kismayo marka in ay lahaan jireen wasir ku xigeen manatana laga rebay waxaan lenahay waxwalba waa lagu xaray lkin tan ma so conayso qashin bol shit