Home » Faallo »

Maxaa laga faa’iidey duulaankii ay Kenya ku qaaday Soomaliya sanad kaddib? By Mohamed Ibrahim

editors-noteWaxaa laga joogaa sanad iyo dhowr bilood ka dib markii dowladda kenya duulaan qaawan ku qaaday wadankeena Soomalia, hadaba maxay kenya ka faa’iidey duulaankaasi? Maxayse somalida kenya iyo midda soomaliyuba ka faa’iideen faragelintaasi?  Bal si aan uga jawaabo waxa laga faa’iidey faragelinta dowladda kenya ku qaaday Soomaliya bal aan ka waramo sida uu ku yimid duulaankaasi, waxa aan la soconaa walaalayaal in dhowr sano ka hor ay wargeysyada kenya ka soo baxa qaar ka mid ah qoreen qorshe Soomaliya loogu qeybinayo wadamada Itoobiya iyo Kenya, waxaa sidoo kale Madaxweynahii hore ee Kenya Daniel Arab Moi ka shegay Jaamacad ku taalo wadanka Maraykanka in Dowladaha Itoobiya iyo Kenya marna aysan dooneynin in dowlad xoog leh ka dhalato Soomaliya.

Aan sii wado inta aysan ciidamada Kenya gudaha u galin wadankeena waxaa jirtay in Kenyaatigu tababareen dhalinyaro badan oo Soomaliyeed kuwaas oo laga soo aruuriyey xeryaha qaxootiga iyo magaalooyin ku yaalo gobalka waqooyi bari ee kenya, waxaana lagu sheegey ciidamadaasi in loo tababarayo dowladda Soomaliya laakin markii tababarkoodii dhameysteen ayey dowladda Soomaliya ka codsatay in lagu soo wareejiso ciidamadaasi laakin waxaa diiday dowladda Kenya, waxaa kaloo jirtay in dowladda Kenya heshiis la gashay xagga badda ah dowladdii KM ahayd ee Sh. Shariif madaxwynaha ka ahaa kaasoo uu diiday Baarlamaanka Soomaliya.

Mar kaan soo aruuriyo hadalka duulaankani wuxuu lahaa ajanda qarsoon oo kenyaatigu lahaa laakiin waxa loo gashay shaar kale,markii ay dhamaatay tababarka iyo qalabeynta ciidmadadii ay kenyaatigu tababareen ayey Kenya duulaan ku soo qaaday wadankeena iyadoo iska soo hormarisey ciidamadii ay soo tababartay, waxayna ciidamada kenya soo galeen ciidda Soomaliya iyagoo aan wax heshiis ama ogolaansho ah ka haysanin dowladdii markaasi jirtay inkasta oo markii danbe la siiyey magaca AMISOM, markii Sh. Shariif ka hadlay faragalinta Kenyaatiga waan ogeyn sida ay dowladda Kenya ugu jees jeestay TFJ-dii markaasi jirtay.

Bilo ka hor intaysan ciidamada Kenyaatiga soo galin wadanka waxaa ka dhacay gudaha Kenya dhowr afduub oo dowladda Kenya ku eedeysey iney ka danbeeyaan kooxda al-shabab laakin dad badan ay aaminsanaayeen in ahaayeen shirqoolo ay maleegeen sirdoonka Kenya si marmariisyo loogu sameeyo duulaankaasi, waxayn dowladda Kenya sheegtay in ay ciidamadeeda u direyso Koonfurta Soomaliya si ay ula dagaalamaan kooxda al-shabab oo qatar xagga amniga ah ku haysey Kenya, waxayna saraakiil Kenyaati sheegeen in ay  sameynayaan waxa loo yaqaano buffer zone oo macnaheedu yahay in ay qabsanayso goboloda xuduuda la ah si ay amaanka Kenya uga sugaan gudaha Soomaliya, waana arin sharci daro oo qatar ku ah jiritaanka Soomaliya.

Markii ay  ciidamada dowladda kenya soo galeen wadankeena si aysan Soomalida xasaasiyad  u qaadin waxa ay kenyaatigu isticmaaleen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo oday dhaqameedyo Soomali Kenyaan iyo kuwa Soomalida Soomaliya ah, si ay dadka u dajiyaan uguna sheegaan in dowladda kenya xaq u leedahay iney la dagaalanto cid kasta oo amaankeeda qatar ku ah, waxayna dhinaca kale sheegeen Soomalidaasi in hadii al-shabab laga saaro Koonfurta Soomaliya uu amaanka kenya caadi ku soo noqonayo Somalidana si caadi ah ugu noolaanayaan gudaha wadan Kenya,!!! Cajiib. waxayna Siyaasiyiintaasi  noqdeen kuwa laga harsan waayey oo mar walba taagan media-ha xitaa waxa ay ka dareen kiikuuyada

Gaba gabadii sanad iyo dhowr bilood ka dib iyadoo ciidamada Kenya ka dagaalameen gudaha Soomaliya iyagoo laayey boqolaal Soomali ah barakiciyey kumanaan kale, su’aalaha mudan in la isweydiiyo maanta waxaa weeye

Kenya ma ka faa’iideyday faragilintii ay ku sameysey Soomaliya nabadse ma ku heshay? Soomalida Kenya oo horgalaha u ahayd Kenyaatigu ma ka faa’iideen duulaankaasi? Somalida Soomaliya iyaga kuwoodii taageerey duulaankaasi ma ka faa’deen? Dowladda Soomalida maxay iyadu ka faa’iidey xadgudubak Kenya? Soomalida ku nool meelaha ay soo galeen ciidamada Kenya maxay faa’iideen nababse ma heleen?.

Dhamaan jawaabaha su’aalahaani waa maya and maya, bal waxa aan dhihi karnaa waa kadaroo dibi dhal maxaa yeelay xaaladda Kenya meesha ay mareyso maanta waa meel aad u qatar ah,oo amaankiibaa faraha ka baxay haddii ay ahaan lahayd magaalo madaxda iyo magaalooyinka kaleba.Soomalidii Kenya iyaga waxa ay noqdeen hashii uu  garaacay ninkii gurta ahaa oo meel u fiyoow ma jirto oo waxaaba tusaalu ah xasuuqi weynaa ee ka dhacay Gaariso.Soomalidii Soomaliya, kuwii taageeray iyo kuwii diiday duulaanka Kenya, waxa maanta ku haysta Islii iyo magaalooyinka kale ee Kenya wax laga sheekeyn karo ahan.

Gunaanudkii wax aaan soo jeedinayaa dhowr qodob:

Ganacsatada Soomaliyeed waxa aan u soo jeedinayaa ganacsada Soomaliyeed inta hadda dhacday nagu filan, shilin danbe oo Soomali leedahay yaan la gelin dhul aaan Soomali lahayn, wixii maalgelin ah waxaa u baahan dhulkeena.

Soomalida Kenya Soomalida Kenya waxaan kula talinayaa in ay faraha kala baxaan siyaasadda Soomaliya oo ay ilaahay u baryayaan in wadankooda Soomaliya uu dowlad xoogan uga dhiso si SOMALIWEYN loo xaqiijiyo inta laga gaarayo Somaliweyna aysan Kenyaatigu ku caawin faragelinta wadankooda.ogaadana ineydan ahayn Kenyan dhab ah.

Dadweynaha Soomaliyeed Dadweynaha Somaliyeeda waxa aan leeyahay xaqootinimo sharaf ma ahan Somaliduna waxa ay tiraahda (dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog) marka aan ka shaqeyno nabadda wadankeena iyo dib u dhiskiisa dibna aan ugu noqono.

Dowladda Soomaliya Dowladda waxaan leeyahay waa in aad ka saartaan ciidamada Kenya iyo Itoobiya wadanka inta goori goor tahay, maxaa yeelay labadan dowladood waxa aan wadaagnaa xuduud dheer dhul ay Soomali leedahayna way haystaan, faragelintooda waxa ay abuureysaa dhibaatooyin badan oo marka ugu danbeyso keeni karo dagaal buuxo oo na dhexmaro.  Dowladda hadda jirta waxaa looga baahan yahay iney hagaajiso xiriirka ay la leedahay dowladda Kenya si Somalida ku nooli wadankaasi khaasatan kuwooda ganacsatada u ganacsan karaan si caadi ah.dhinaca kale waxaa looga baahan yahay madaxda hadda jirta iney la fadhiistaan kooxda al-shabab shuruud la’aan si wadankaani u nabad u noqdo.

Al-shabab kooxda al-shabab waxa aan leeyahay iska daaya madax adayga ogolaada in la Soomalidu wada hadasho si dhibaatadan loo dhameeyo dadkanna dib loogu soo celiyo wadankooda Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada waxa aan kula talinayaa nimankan siyaasiyiinta sheegta iyo aqoonyahada waxaa aad isku darsateen diin xumo iyo wadaniyad xumo, shirqool kasta oo umadda loo maleego adinka ayaa hormuud u ah, hadaydan wadankani aqoontiina ugu khidmeyneynin sabab ha u noqonina in wadanka la qeybsado.

————-
Mohamed Ibrahim, akhunaa114@hotmail.com.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Maxaa laga faa’iidey duulaankii ay Kenya ku qaaday Soomaliya sanad kaddib? By Mohamed Ibrahim "

  1. maashaa allaah wallaahi runta ayaad sheegtay kun jeer mahadsanid mudane