Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Guri kuyaal Magaalada Jowhar oo hub iyo waxyaabaha qarxa laga helay

jowhar_iyo_amisomWararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen miinooyin kala duwan.

Sida u warbaahinta usheegay Afhayeenka Maamulka Gobalka shabeelaha Dhexe daa’uud Xaaji Ciiro ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida ayaa howlgal kala duwan oo ay iska kaashadeen ay ugu suragashay inay soo qabtaan hubkaasi.

Wuxuu sheegay in miinooyinka ay soo qabteen tankooda ay gaarayaan ilaa 100-tan sidoo kalena ay ku jiraan dhamaan qalabka kala duwan ee loo adeegsado qarxinta miinooyinka sida taleefanada iyo sidoo kale agabka kale

Howlgalada ayaa wali kasii soconaya magaalada Jowhar kaas oo lagu baadi goobayo kooxaha amaan xumadagaysanay gaar ahaan Al-Shabaab

Riix Halkan si ad udhagaysato Waraysiga

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.