Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: 15 Shabaab ah oo lagu qabtay iyagoo hub ku haysta magaalada Muqdisho

Taliska nabad sugida gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay dhalinyaro Shabaab ah oo watay hub ay doonayeen in ay amaan xumo ugu gaystaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabad sugida ayaa howlgalka ay ay la kaashadeen ciidamada booliiska Soomaaliyeed waxaa ay kusoo qab qabteen rag tiradooda ay gaarayso 15-ruux o dhamaantood falalka amnidarada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho lagu eedeeyay.

Howlgaladan  kala duwan ayay ciidamada ka sameeyeen Degmooyinka Xamarweyne,Hodan,Dharkeyleey iyo Waaberi waxaana la sheegay inay soo qabteen ragaasi iyo hubka ay wateen.

Raga lasoo qabtay oo tiro ahaan gaaraye ilaa 15-ruux ayaa waxaa lagu soo kala qabtay Ak47 oo 6 ah 2 biskooladood iyo labo gaari dhamaantood ay gacanta ku dhigeen ciidanka Nabadsugida.

Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid waayadan kasii darayay iyadoo qaraxyo iyo falal kale oo weeraro ah gudaha magaalada xalay ay ka dhaceen.

Riix Halkan si aad udhagaysato Howlgalka iyo dadka lasoo qabtay

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.