Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo dad ay gowraceen soo dhigay magaalada Ceel-Buur

mindiWararka ka imaanaya magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka Wiil dhalinyaro ah oo si xun loo dilay.

Wiilkan Meydkiida lasoo dhigay gudaha magaalada Ceel-Buur ayaa lasoo sheegayaa in dilkiisa loo adeegsadat midi iyadoona qoorta laga jaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydka Wilkan lasoo dhigay bartamaha Magaalada xalay, iyadoona ay Shabaab soo dhigeen meydkaas.

Sargaal uhadlay maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Galgaduud ayaa sheegay in Marar badan ay sidaan oo kale Shabaab gudaha Magalaada Ceel-Buur iyo magaalada Galhareeri usoo dhigeen meydadka lasoo qalay.

Riix Halkan si aad Waraysiga udhagaysato

Al-Shabaab kama aysan hadlin ninkan qoorta go’an ee lasoo dhigay magaalada iyo sababta ka danbaysay dilkiisa, hase aahatee marar badan ayay Shabaab sheegeen in ay dilayaan dad ay ku sheegeen basaasiin.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.