Home » News, Waraysi »

Xoghayaha Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka oo ka warbixiyay dilkii nabadoon Ismaacil Qalinle (Dhageyso wareysi)

Kaddib markii maalinimadii Qamiistii shalay ay kooxo hubeysan si xun ugu dhaawaceen magaalada Kismaayo nabadoon Ismaaciil Qalinle oo si weyn looga yaqiinay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddibna dhaawacaas awgiis uu isla fiidnimadii isla Qamiista ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa saxaafadda qaabka uu weerarkaas u dhacay uga warbixiyay Axmed Maxamuud Cabdisalaan oo ah Xoghayaha Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka.

Link-igaan Guji si aad u booqato bogga tacida Marxuum Nabadoon Ismaaciil Qalinle

Xoghayaha ayaa waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in waqtigaan la joogo oo la rabay in ay Soomaalida isu soo dhawaato in ay wali muuqdaan kooxo wali u ooman daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, asaga oo dhinaca kalena sheegay in maamulka KMG ah ee hadda Kismaayo ka taliya uu ka mas’uul yahay dilka nabadoon Ismaaciil Qalinle arrintaasna loo hayo cadeymo ay ka mid yihiin dar-daarankii laga qoray Allaa u naxariistee marxuum Qalinle inta uusan dhiman iyo kuwo kaleba.

phone interview2Wareysigaan oo dhinacyo badan taabanyo oo uu caawa Xoghaye Cabdisalaan Qad Taleefan wareysi kula yeeshay wariye Kaafi Yuusuf Aden hoos ka dhageyso:

  Halkaan ka dhageyso wareysiga oo dhan

 Xasuusin:  Link-iga kore ee uu wareysiga ku jiro haddii uu kuu furmi waayo waxaad si sahalan uga dhageysan kartaa dhanka midig ee bogaan meesha ka hooseysa WAREYSIYO IYO FAAQIDAADA 7AADKA ee ay ku qoran tahay “Dhageyso wareysi la xariira dilkii Ismaaciil Qalinle.”

————
Kaafi Yuusuf Aden, kaafi103@gmail.com

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Xoghayaha Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka oo ka warbixiyay dilkii nabadoon Ismaacil Qalinle (Dhageyso wareysi) "

  1. A.A.Xade says:

    Aan wada shireeysanna middiyahana aan kala qarsanno miyuu noqday xaalka Jubbaland?!

  2. Jugsodhacay says:

    Xamar. Oo. Madaxtooyada madafiic. Lagu garaacayo Ayaa dawlad lagu dhisay Kuna shaqaynaysay ee. Jubaland. In ladhiso maxaa ku xiray xoraynta dhulka oo dhan ,maamulka ladoorto Ayaa laga raba xoraynta dhulka ,laakiin. Inta la dhahayo dhulka halawada xoreyo waxaa lawaayi doonaa kismayo iyo hada inta gacanta lagu hayo, xasan dhuxulawna idinlama sugayo dhul xorayn ee kismayo inuu maamul u magacabo ayuu raba ee Sade Uma dhaxayn Karo. Xamar iyo juboyinka ee dhinac haraaco oo hadii. Huuhaa iyo somalinimo aan shaqaynayn. Ay rabaan xamar haiku xirmeen, jubaland haka Dayan lugooyada.

  3. Idebenone says:

    Weerarkaan nabadoonka lagu qaaday ayaa waxuu qeyb ka yahay falal argagagixiso-nimo oo waayadaanba lagu bar-tilmaameedsanayay qaar ka mid ah shacabka aan hubeysneyn ee ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo.

  4. wg says:

    asc salan ka dib waxaa la yaab leh waxyaabii oogu danbeeyay ka dhacayay magaalada kismayo taas oo aad moodo in sigaar ah loola eeganayo beel ka mid ah beelaha dagan magaalada kismayo dadbaa waxay ka hadlayaan maamul loo sameeyo gobalada jubooyinka laakiin waxaad moodaa taas in aysan soo dhawayn oo nimanka ay kenya wadato ay wadaan dhabaato iyo wax aan loo dul qaadan karan ilaa markii ay imaadeen magaalada waxaa dhacayay dilal qorshaysan oo ka dhan ah dadka deeganka waxaan dhihilaa dadka kenya isku halaynayow nin walba waa uu yaqaanaa waxii uu ahaan jiray ee hala cag dhigto

  5. Gabar safe says:

    Qalbi madobe see ku raaba in nabadoonada Sade kawaanka sartoo in uu dhaalinyarada kismaayo iskugu yeerto dhaaho yaa Daarood taas anaako gabdha diidnay meel uusan jogin Suldaan Sade iyo wiilsade wax ka shaaqeynayo maa jiiro

  6. Diini says:

    Asc walal marka xigta beesha sade ma aha in ay noqoto hamatul hamag waa in ay wax hubsataa waa layaqaana dadka nabadoona dila iyo dadka dowlada u shaqeya ee besha waa in ay indhaheeda halkaas aadisaa waxba yaalan ladhihin waraq ayu qoray waayo meyd ma dar daarmo ee wax hubsada sadow

  7. abd says:

    Diini hadii ay taasi dhab tahay sh madoobe muxuu uga aamusan yahay eedaynta loo soo jeediyey ugu yaraan muxuu isaga duwi waayey hadii ka wahsadey inuu cambaareeyo, wax ka qabto, ama la xiriiro beesha marxuunka, waxaan qabaa dilku waa wax dhaca laakiin waxa laga yeelo ama reactionku noqdo ayaa inta caqliga u saaxiibka wax kala dhex baxaan, waa dhici kartaa in loa doonayo in la is qabadsiiyo 2 daa beelood oo walaalaha ah sidaad xustay, laakiin gar weyne ha is caddeeyo.