Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Shirdoon ayaa kahadlay arimo badan oo uu qaban doono sanadka 2013-ka ee bilaabanaya beri Insha Allah.
Isagoo lahadlayay Raadiyaha dowlada ayaa Dr Saacid waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si siman wax ugu qaban doonto gobollad adalka isagoo soo hadal qaaday Somaliland Puntland iyo Khaatumo State.
Arimaha kale ee sida gaarka ah ay diirada usaari doonto xukumadiisa sanadka 2013-ka ayaa wxaa ku jiri doona amaanka, dib udhiska dhaqaalaha, soo dhisida maamullo loo dhan yahay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhisi doonaan xariirka arimaha dibada iyo soo celinta bilicda magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kalsooni ku beeray shacabka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay kusoo laaban doonto sidii ay waa ahaan jirtay.

Somalia hanoolaato Somalia ha israacdo somalia ha midowdo