Home » News »

Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta Gobolada Jubboyinka “shirka la sheegay in uu qorshahiisu ka socdo Ceelwaaq ma ahan mid wax ku ool ah”

Guddiga Xiriirka iyo dib u heshiisiinta ee gobolada Jubboyinka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano  (GXDGJ) oo beryahanba waday wada tashi iyo isku xir beesha Sade ee gudaha iyo dibadaba waxaa uu halkaan ka cadaynayaa in shirka lagu tilmaamay in ay beesha Sade uga socdo magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo inuusan ahayn mid wax ku ool ah, isla markaasna uu yahay mid looga gol leeyahay dano khaas ah oo aanan haba yaraatee wax dan ah ugu jirin beesha Sade.

Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta beesha Sade ee gobolada Jubboyinka waxaa uu si taxadar leh isugu dayey inuu beesha dhexdeeda ka bilaabo is fahan iyo in muwaafiqo ka dhex abuuro beesha Sade ee gudaha iyo dibadaba si ay beesha Sade uga qaadato mawqif hanaanka dib u heshiisiinta beelaha wada dega Jubooyinka iyo in qaabka maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka. Gudigani waxaa uu ku guulaystay in umada degta goboladaan ay mawqif midaysan ka istaagaan hab dhaqanka jabhadaha qabsaday qaybo ka mid ah gobolada Jubboyinka, isla markaasna mawaafiqo iyo is fahan dhex dhigo walaalaha deegaanka Jubooyinka.

Qorshaaha Guddigan oo ah in shir wayne ay beesha ku wada midaysan tahay iyo gogol midnimo la dhigo gudaha gobolka bilaha soo socda, isla markaasna lagu casuumo hogamiyayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, culumaa’udinka beesha Sade, si ay hormuud uga noqoto maamul u samaynta Jubbooyinka.

Gudiigaan waxaa uu ka digayaa in qorshaha uu damacsan yahay guddigaan aanan la xagal daacin, iyadoo dano gaar ah la fushanayo.

Hadaba shir ayaa dhawaan rag beesha ahi ka bilabeen magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, kaasoo u muuqda mid aanan miro dhal noqon doonin, maadaama uusan ku abuurmin dariiqadaha saxda ah ee loo maro wanaag raadinta iyo maslaxada umadi leedahay.

Waxaanu uga digaynaa ragga iminka wada qorshaha shirkaan inay ka digtoonaadaan waxyabaha keeni carqalad hor leh, kana dhursugaan, waxyaabaha ka so bixin dona shirkwaynaha dhawaan la qaban doono.

Wabillahi Tawfiiq.

Gudiiga Xiriirka iyo Dib u Heshiisinta Gobolada Jubboyinka.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta Gobolada Jubboyinka “shirka la sheegay in uu qorshahiisu ka socdo Ceelwaaq ma ahan mid wax ku ool ah” "

  1. cabdirashid says:

    In la ismucaarado waxaa ka fiican in la iswareeysto. Dadku waa xor waana shiri karaan markii aay doonaan. Hadii aad isku sheegteen in aat matashaan beeldhan, sideed ku ogaan weeyseen waxa aay beesha dhexdeeda ka kala aaminsantahay arinta Jubaland? Sideed ku mucaaradeen dad idinla leh arinta aad ka arimineeysaan? Soo mucaaradnimo ma,aha waxa soomaaliya dhigay halka aaytaal? Waxay ilatahay hadii aad isu xilsaarteen in aad hagaajisaan hogaanka beesha oodhan, iyo halka aay siyaasad ahaan ujahooneeyso, waa in marka hore adinkoon cidna mucaaradin, aad ka bilaawdaan isfahan guud, heshaanna meesha loobadanyahay ee aay dadku rabaan. Hadii caqli qarsoon oo dadka caadiga ah aay wada fahmeeynin aad haaysaan, waa in aad soo bandhigtaan, kasbataana ogolaashaha inta badan. Anigaa iri aduguna ma dhihikartid waa shaqeeyn weeysay, marka aan isfahansiino, waxa intabadan aay ogoshahayna aan yeelno ayaay ku fiican tay. Waa in aad la tashataan ceelwaaq kuwa kushiraya iyo kuwo kale oo meelkale oon hada muuqan kushiraya ama shiri doona.
    Mahad sanidiin
    walaalkiin Cabdirashid

  2. hadan says:

    asc walaalaha dhaliilaha soo jeedinayoow waxaa la joogaa xiligii gacmaha la is qabsan lahaa xumaantaa iyo dacaayadana laga tagi lahaa laguna dhaqaaqi lahaa waxa dantu noogu jirto loona gudbi lahaa horumarka waxwada qabsiga sinaan iyo cadaalada lama joogo waqtigaan lagu jiro xiligii dib loogu noqon lahaa wixii la soomarey waad araktaan xaaladu meeshey mareyso waxaa lagu jiraa dhul boob dadleyn isxaqirid marka waxaan kula talin lahaa ka kaca hurdada waad hurudaane wixii wanaagana halaga shaqeeyo oo umaadaan kala tagdey qeyrka haloo qoro yaan la kala fageyne

  3. SHIRE says:

    ACW waxaan idinku salaamayaa salaanta islamka salaan ka dib allgedo waad ku mahadsantihiin sidaad noogu soo gudbisaan wararka kala duwan dhacdooyinka iyo fekradaha kala duwan hadba meeshay wax marayaan marka hore waa nasiib daro in beesha sade ay hada kala qaybsan tahay iyadoo marki horaba la il darnayd kala qaybsanaanti hore ee alshabaab qolyaha taageera iyo kuwa ka soo horjeeda waxaa nasiib daro ah in umadi ka tashan waydo aayaheeda waxaa kalo nasiib daro ah in nin dantiisa gaarka ah u shaqo tagay uu ku takri fasho umad dhan masiirkeed isagoo sheeganayo inuu matalo umadaas midi midi ku taag waxaa ku lomo danta guud ee shacabka qolyahaan gudiga sheeganayo anigu garanmaayo cid gudi idiin dooratay iyo meel la idinku doortay midna hadaad is xilqaanteen dadna aad doonaysaan inaad wax la qaybsataan waxaa la idinkaga baahan yahay inaad midaysaan umada aad magaceeda wax ku doonaysaan si aad u heshaan cod power ah hadaadan midka aad ignore-garaynayso aadan helin adna macno badan yeelan maysid sida aad kaas u macno tirayso ayaad adna u macno beelaysaa somalida waxay tiraahdaa xalaal har baa la quutaa kan ceel-waaq ku shirayo soo hor dhig qorshahaada kana wada tashada waxaan filayaa hadaad wax daacad ah aad wado inaysan cidna kugu diidayn haday wax sasaluugsan yihiina ka qanciya ogoow in talada lagula leeyahay
    qolyaha ceel waaq ku shirayo waxaan kula talin lahaa haday gudigaan wanaag wadaan inaydaan xagal daacin haday idiin muuqato wax khaladaad ahna wixii talo ah ku biiriya ragaan arinku kuma wanaagsano wax kala jiidasho iyo kala shaqo tag wixii fikir ah waa in la uruuriya muhiimadana laga qaataa ugu dambaynti waxaan ku talin lahaa in shirwayne loo dhanyahay ay beeshu isugu timaada si loo lafo guro wixii talo ah loona dhameeya wixii khaladaad ah ee jiro
    wabilaahi tawfiiq

  4. Abdi says:

    ASC, Ree Sade jahwareerka ummaddi kaloo dhan ka baxdaye iyaga maxaa ka qaldan, is qabqabsiga miyaan laga gudbayn, aawey sharaftii beesha ay ilaa iyo qarniyaal badan ku laheyd bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda,aawey geesinimadii ay ku caan baxeen iyagaa dadku wax weydiin jiray oo ahaa roll-modelka Geeska Afrika, War toloow meesha iska qaada oo ka waantooba Xinka iyo is xasadka, qori qori ku taagga, farta isku fiiqa, oo dan iyo mowqif mideysan madasha la imaada, (you need to unite now)………….and when you unite you`ll be Ree Sade Again…