Home » News »

Madaxweyne Xasan Sh oo kusii jeeda dalka Sudan

safar-madaxweyneMadaxweynaha dalka Xasan Sh Maxamuud ayaa kusii jeeda magaalada Khartoom ee dalka Sudan sida ay AOL usheegeen xubno katirsan xafiiska Madaxweynaha.

Safarka Xasan Sh Maxamuud ayaa ka danbeeyay kadib markii sida la sheegay uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha ayaa magaalada Khartuum kaga soo gudbi doona dhinaca gobolka Damaaziil oo loo yaqaan Blue Nile, halkaas oo uu kaga qeyb gali doono xuska sanad guuradii 57-aad ee kasoo wareegatay markii Sudan ka xorowday Gumaystihii Ingiriiska.

Safarka Madaxweynaha uu kaga anbabixi doono magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehlin doona xbino katirsan dowlada Soomaaliya.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.