Home » News »

Mahiga: Soomaaliya waa xasuusan doontaa sanadkii tagay ee 2012-ka

MahigaIIErgayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya  Augustine Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dib uxasuusan doonto taariikhdii soo martay sanadkii tagay ee 2012-ka

Isagoo ka hambalyaynayay sanadka cusub ayaa Mahiga waxaa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu Soomaaliya ku reebay taariikh aysan hilmaami doonin

“Guulo waa weyn ayaa la gaaray sanadkii ina soo dhaafay, waxaa hormar laga sameeyay arimaha siyaasada dalka iyo amaanka”ayuu sheegay Mahiga oo Warqad soo saaray.

‘Waxaa ugu weynaa in la dhaqan geliyay hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay doorasho xaq ah oo dhacday, ucodeyntii dastuurka iyo hadafkii beesha caalamka ay ka qaadatay Soomaaliya’ayuu Mahiga dhambaalkiisa ku sheegay

Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in dhamaan xafiisyada QM ee Soomaaliya loo guurin doono dhanka magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in Muqdisho ay amaan tahay.

“Hada dalka dowlad ayaa ka jirta, waana amaan xafiisyadeena todobaadyada  soo socda Muqdisho ayaan uguurinaynaa beesha caalamkana sidaas ayaan ugu yeeraynaa “ayuu sheegay Mahiga.

Si kastaba sanadkii ina soo dhaafay waxaa uu taariikh ku reebay Soomaaliya, iyadoo la doortay dowlad aan KMG aheyn, halka amaanka Muqdisho ay noqotay mid wanagasan.

Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay inta badan gobolada dalka oo ay Shabaab maamulayeen mudo ku dhow 5 sano.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.