Home » News »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda

IMG_7173Moqdisho, 01, Jan, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashsda ee ciidamada ayaa xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’ntahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowbaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan ee. Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula shekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.

—–DHAMAAD—-

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda "

  1. sharmarke says:

    Asalamu Alaikum,

    Dowladihii tan hada ka horeeyay waxaa lagu yaqaanay, in marka ay imaato in la booqdo meelo badan oo wadamada dibadda ah, in loo kala qaybiyo madaxwaynaha iyo raisuul wasaaraha haba kala badsadaan taas micno ma leh.

    Hada waxaa dhacday xataa hadii madaxwaynaha wadanka joogo in wasiir madaxtooyo iyo wafdi uu hoogaaminayo loo diro Sacuudiga halkii laga diri lahaa Saacid prime ministerka. Wasiirkii arimaha dibada intaas dibada ayay u safreesaa ma xuma waa wasiirkii arimaha dibada, laakiin aaway saacid. Muxuu markiisa safar heer sare ah oo caalimi ah ugu bixi waayay dibada.

    Saacid wuxuu ku jooga Kursigiisa magaca daarood, laakiin hadii laga hadlo wax xaqiiq ah oo jira walaalaha sade waxay leeyihiin Majeerteen baa dan wata.
    Waagii Majeerteen Prime minester ahaayeen hadii shaqsi marexaan ah dhaho Kurisga uu Daarood ku fadhiyo yaa qiimaha laga qaadin, waa laga dhagaysan jiray waana looga fayjignaansanaa arintaas waana lasoo dhaween jiray fikradaha ku saabsan in laga hor tago ku tumushada waxa xaqa loo leeyahay. Ani waxaan aaminsanahay in beelna xaqeeda iyo xilka ay hayso lagu tuman laakiin adigana waa in lakugu tuman.

    Arintaan safarada dibadda waa arin aad muhiim u ah, sababtoo ah waa meelaha laga helaayo tageerooyinka iyo balanqaadyada kala kadisan. Marka waxaa la rabaa in wax la qarsado oo wadamada shisheeye laga dhaadiciyo waxyaalo been ah sidii degaano ama beelo qaas ah loo xayaysiiyo.

  2. sharmarke says:

    ……………..iyo in deeqaha caalamka la leexsado.
    Marka waa in arintaa laga fajignaado.

    Wa bilahi towfiq

  3. mahad says:

    Sharmaarke, Saacid inuu dibada u safro iyo inuusan u safrin xanuunka aad ka jiifsan l’adahay ay kugu heyso waa maxay adiga meel aan wax jirin wax lagama raadiyo sideedana qofka dhulkiisa ayuu sharaf iyo haybad ku leeyahay, dibadaha la wareego ama shisheeye la dawarsado macno badan sameyn mayso. Saacidna isagoo Reysalwasaare qaran ah shaqadiisa adigoo shakhsi caadi ah inaad u sheegtid waxay ila tahay waa arin laga wanaagsanyahay adigana caqli xumo kuu ah isagana gef ku ah, marka danahadaa raaco Saacidna ha ku mashquulin, Tolnimadaan hurdada kuu diidayna tolku wuu badanyahaye kuwa dhiban wax ugu qabo iyagaa u baahan adigana ajar iyo xasanaad aad kaga heliye, Saacid ilaahay mahadii buu joogaa qarankii oo dhan baa hoos ordayee oday tol waayay ma aha waa iga talo intaa.