Home » News »

Weerar ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud

askari dil gaystayNin Hubaysan ayaa rasaas xoogan ku dhexfuray  magaalada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud taas oo keentay in dad shacab ah wax ku noqdaan.

Dad kusugan Guriceel ayaa AOL usheegay in Nin hubaysan oo isku dayay inuu dhaco qaad uu rasaas xoogan furay kadibna dhaawacmay labo ruux oo mid kamid ah uu dhaqtar ahaa

Dhaqtarka la dhaawacay waxaa lagu magacaabaa  Dr. Saleebaan Maxamed Saalax oo ah dhakhtar deggan Guriceel, oo la soo shaqeeyay hay’ado samafal ah.

Ciidamada amaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa gacanta ku dhigay Ninkaas rasaasta ku dhaawacay dadka rayidka ah doonayayna inuu jaadkaas dhaco sida uu sheegay taliyaha ciidamada amniga Guriceel, Muuse Macallin Maxamed.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.