Home » News »

Weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday Amisom oo udabaal dagaysay sanadka cusub 2013

qarax_muqdisho_959648743Weeraro xoogan oo qaraxyo ah ayaa xalay lagu qaaday xarumo ay leeyihiin ciidamada Amisom kuwaas oo ka soconayay dabaal dagyo ku aadan sanadka cusub ee 2012-ka

Bambooyinka nooca gacanta laga tuuro ayaa  lagu weeraray goobo lagu dhigayay xaflado lagu soo dhaweynayo sanadka cusub, waxaana qaraxyadaas ay ka dhaceen degmada Wartanabada.

“Sedex Bambo ayaa xarunta lagu tuuray, waxaana lala beegsaday ciidamo isugu jira Soomaali iyo Amisomayuu AOL usheegay mid kamid ah dadka deegaanka

Qaraxyo kale ayaa lagu weeraray ciidamada Amisom ee kusugan  kuliyada Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Khasaaraha ka dhashay bambooyinka lagu weeraray kuliyada Jaale Siyaad wali ma cada, waxaana goobta marki la weeraray laga maqlayay rasaas xoogan.

Wadamada Caalamka ayaa xalay si an caadi ahayn looga soo dhaweeyay sanadka cusub ee 2013-ka, waxaana Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabado lagu soo dhaweynayo sanadka, walow ay daba socdeen qaraxyo.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.