Home » Archive Daily January 2nd, 2013
Gudoomiye Tarsan oo beeniyay in mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiskiisa uu qarxin lahaa
Gudoomiyaha maamulka dowlada ee gobolka Banaadir ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in mid kamid ah xoghayeenada xafiiskiisa uu isku dayay inuu qarax la beegsado.
War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa lagu sheegay in baahinta warkaas uu ahaa mid aan si wanaagsan loo adeegsadan.
AKHRI Bayaanka kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha gobolka
Kadib markii...
Xiisado colaadeed oo laga soo sheegayo magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo
Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dagaal oo udhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ah.
Dad kusugan Baardheera ayaa AOL usheegay in magaalada ay kusugan yihiin ciidamo badan oo Shabaab ah kuwaas oo aad uqalabaysan isla markaana feejignaan dagaal ku jira.
Warar kale oo naga soo gaaray deegaanka Ufurow ayaa sheegaya in ciidamada...
Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo balan qaaday in Shabaab laga adkaan doono mudo dhow
Ra’isul Wasaaraha qaranka Soomaaliya Dr Saacid Faarax Shirdoon ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisa ay qorshaysay hadaf dheer oo lagu soo celinayo amaanka guud ahaanba dalka.
Isagoo Waraysi siinayay Raadiyaha Afka dowlada ku hadla ayaa Dr Saacid waxaa uu sheegay in hadafka xukumadiisa ay tahay arimaha amaanka iyo dib udhiska dalka.
Al-Shabaab-ka kasoo horjeeda dowlada ayuu sheegay in ay fursad...
Howlgallo Kooxo Hubaysan lagu soo qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo
Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo ayaa howlgallo balaaran ka sameeyay xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amaanka magalaada ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lagu soo qabtay tiro kooxo amaan xumo waday.
Saraakiisha amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ruux oo dhalinyaro ubadan ay kusoo qabteen howlgalkan Kismaayo ay...
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo kusii jeeda Baydhabo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in amaanka magaalada si weyn loo adkeeyay, sidoo kalana ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo halkaas kusii jeeda.
Saraakiil katirsan Wasaarada Gaashaandhiga xukumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uu saacadaha...
SAWIRO: Tiyaatarkii Magaalada Muqdisho oo dib ushaqo bilaabay 8 bil kadib
Munaasibad si heer sare ah loosoo afaasimay oo lagusoo dhoweynayay sanadka cusub ee 2013 laguna sagootinayay sanadkii 2012 dhinaca kalana lagu maamuusayay fanaanka reer jabuuti ee farxaan xidig oo todobaadyadii ugu dambeeyay marti u ahaa magaalada muqdisho ayaa galabta lagu qabtay xarunta tiyaatarka qaranka ee magaalada muqdisho
Munaasibadan oo amaanka ay si aad ah u sugayeen ciidamo isugu jira booliis...
Howlgallo balaaran oo wali ka soconaya Sh/Hoose iyo Dad lasoo qab qabtay
Wararka naga soo gaaraya Magaalada marka ee Goblka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dawladda Maanta hawl gal ballaaran ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.
Hawl galkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu soo qabtay Dad Tiradoodu ay gaarayso Illaa todoba qof kuwaas oo lagu Tuhmayo in gacan saar ay la leeyihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.
Jidadka Magaalada ayaa manta waxaa lagu arkayay...