Home » News »

Gudoomiye Tarsan oo beeniyay in mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiskiisa uu qarxin lahaa

Tarsan1-620x330Gudoomiyaha maamulka dowlada ee gobolka Banaadir ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in mid kamid ah xoghayeenada xafiiskiisa uu isku dayay inuu qarax la beegsado.

War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa lagu sheegay in baahinta warkaas uu ahaa mid aan si wanaagsan loo adeegsadan.

AKHRI Bayaanka kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha gobolka

Kadib markii 31-December2012 ay soo shaacbaxday Qarax miino oo la damacsanaa in lagu qaarajiyo duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa warbaahinta ay isticmaashay in qofka miinadasasi loo soo dhiibay uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho.

Hadaba markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa caddaatay in Tahaliil Claahi Nuurre uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowaldda hoose ee Muqdisho iyo G/Banaadir midna.

Laakiin uu ahaa darawal kamida darawalo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose ee Muqdisho.

Sidaa daraadeed maamulka gobolka Banaadir wuxuu si cad usheegayaa in Tahaliil Claahi Nuurre oo ah qofka miinada loo soo dhiibay uusan katirsaneyn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wabilaahi Towfiiq.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.