Home » News »

Howlgallo balaaran oo wali ka soconaya Sh/Hoose iyo Dad lasoo qab qabtay

howlgal1Wararka naga soo gaaraya Magaalada marka  ee Goblka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dawladda Maanta hawl gal ballaaran ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Hawl galkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu soo qabtay Dad Tiradoodu ay gaarayso Illaa todoba qof kuwaas oo lagu Tuhmayo in gacan saar ay la leeyihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Jidadka Magaalada ayaa manta waxaa lagu arkayay Askar fara badan kuwaasoo baaritaano kala duwan ka waday Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Marka.

Dadka Degaanka oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in Ciidamadii faraha badnaa ee manta Magaalada la soo dhoobay in ay khal khal geliyeen Hawlihii Caadiga ahaa gaar ahaana ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii dad weynaha.

Ganacsatada qaarkood ayaan furin goobahoodii ganacsiga  halka gaadiidka iyo socodka dadkuna uu ahaa mid teel teel ah isla markaana socodkoodu aad u yaraa.

Saraakiishii hawl galkaas hoggaaminaysey qaarkood ayaa inoo sheegay in Baaritaankan uu yimid ka gadaal markii habeenkii xalay Qaraxyo ay ka dhaceen gudaha Magaalada Marka dadkan ay soo qabteena ay ku tuhmayaan in falalkaasi ay ku lug lahaayeen.

Saraakiisha ayaa intaa ku dartay in iminka ay soconayaan baaritaano lagu ogaanayo Dadkan Tuhunka loo haysto ciddii denbi lagu helana Maxkamad la hor geyn doono ciddii aan denbi lahayn Xuriyadeeda dib loo siinayo.

Si kastaba saraakiishaas ayaa shaacisey in ay sii wadayaan hawl galka ay ku xaqiijinayaan ammaanka Gobolka gaar ahaana Magaala Madaxda Gobolka ee Marka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.