Home » News »

Howlgallo Kooxo Hubaysan lagu soo qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo

Kis 1Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo ayaa howlgallo balaaran ka sameeyay xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amaanka magalaada ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lagu soo qabtay tiro kooxo amaan xumo waday.

Saraakiisha amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ruux oo dhalinyaro ubadan ay kusoo qabteen howlgalkan Kismaayo ay ka sameeyeen.

Dadka lasoo qabtay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in qaarkood ay wateen waxyaabaha qarxa iyo hub ay bastoolado kamid yihiin, waxaana saraakiisha Kismaayo ay sheegeen in kooxahaas ay Shabaab katirsan yihiin.

Col Axmed Diini oo kusugan Saldhiga Kismaayo ayaa sheegay in howlgalkan uu sii socon doono inta laga xaqiijinayo amaanka magaalada, oo marar badan ay dilal ka dhaceen kaas oo dilkii ugu danbeeyay ay kooxo hubaysan ugu geysteen gudaha magaalada Marxuum Qalinle Afhayeenkii beesha Sade.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Howlgallo Kooxo Hubaysan lagu soo qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo "

  1. Asalaamu Calaykum,salaan kadib waxaan leeyahay Dad weeynaha ku nool Kismaayo in ay iska ilaaliyaan dadka ka dhax shaqeeynaaya ee dilaaya Odayaasha Soomaaliyeed ee Jubooyinka,kuwaas oo raba in ay iska hor geeyaan Qabiilada walaalaha ah ee Soomaaliyeed,ee raba in ay aayahooda ka tashadaan,waana cadow aan rabin in Jubooyinka iyo Gedo ay mar uun helaan Maamul iyo kala dan beeyn ay ku nastaan umadaas ay dilootay mooryaan marba shaati aan la aqoon gashan.Dadka aan deegaanka ahayn ee rajeeynaaya in ay ku doodaan Kismaayo ayaan leenahay,ayagana waa qas wadayaal,waayo waxay yaqaanaan oo kaliya in ay umada xoog ku maquunshaan wixii dhaqaalo ahna ay u dhoofiyaan Gobolada ay kasoo duuleen,waxaan leeyahay Guuleeysta Reer JUba iyo Gedo Amiin Amiin.

  2. Ahmed says:

    Wa wax lala yaabo kuwa ka howlgalaya aya ah melashiyo beled wayo cida qabil hubki qadi karta :qabil qabil hub kadhigis maku samayn kara wa maya runti cidwalba waxa ay dönto iyo riyadeda ayay media ha kashegta