Home » News »

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo balan qaaday in Shabaab laga adkaan doono mudo dhow

saacid-faarax_garaad-r-wasaareRa’isul Wasaaraha qaranka Soomaaliya Dr Saacid Faarax Shirdoon ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisa ay qorshaysay hadaf dheer oo lagu soo celinayo amaanka guud ahaanba dalka.

Isagoo Waraysi siinayay Raadiyaha Afka dowlada ku hadla ayaa Dr Saacid waxaa uu sheegay in hadafka xukumadiisa ay tahay arimaha amaanka iyo dib udhiska dalka.

Al-Shabaab-ka kasoo horjeeda dowlada ayuu sheegay in ay fursad kama danbays ah siinayaan taas oo ah in ay hubka dhigaan oo ay nabada qaataan.

Hadiise ay taas diidaan ayuu sheegay in qorshaha dowlada ay tahay sidii guud ahaanba dalka looga saari lahaa nabadna loogu soo dabaali lahaa.

“Qorshaheena waa nabad iyo dib uheshiisiin fursad ayaan idin siinaynaa, hubka dhiga oo nabada qaata’ayuu sheegay Dr Saacid oo hadalkiisa raaciyay “Hadii ay taas idiin noqonweysay waano waxaa qorshaheenu yahay sugida amaanka qaranka, waana idinla dagaalami doonaa”.

Hadalka Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kusoo aadaya xili Shabaab haatan ay wajahayaan dagaallo kaga imaanaya dowlada oo kaashanaysa Amisom.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.