Munaasibad si heer sare ah loosoo afaasimay oo lagusoo dhoweynayay sanadka cusub ee 2013 laguna sagootinayay sanadkii 2012 dhinaca kalana lagu maamuusayay fanaanka reer jabuuti ee farxaan xidig oo todobaadyadii ugu dambeeyay marti u ahaa magaalada muqdisho ayaa galabta lagu qabtay xarunta tiyaatarka qaranka ee magaalada muqdisho
Munaasibadan oo amaanka ay si aad ah u sugayeen ciidamo isugu jira booliis iyo nabad sugid ayaa waxaa soo ababulay maamulka gobolka banaadir oo uu hor kacayay gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada maxamuud axmed nuur (tarsan).
Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda federaalka soomaaliya oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaaradda kheyraadka dalka cabdirisaaq cumar maxamed iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda adeegga bulshada bashiir maxamed jaamac (bashiir goobbe) gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe Xog-hayaha guud Gobolka Banadir C/kaafi Hiloowle Cismaan Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Jawaahir Xaaji Maxamuud Barqab gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka banaadir saraakiisha hay’adaha amniga gobolka fanaaniinta qaranka barbaarta gaashaaman safiirka dowladda jabuuti ufadhiya soomaaliya danjire dayib dibad rooble,iyo daweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka.






























hahahahhaha hadii saan dayactir aad utaqaanid markiih walatayac tiriina sedeh waye baal isheeg kk