Home » News »

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo kusii jeeda Baydhabo

fiqiWararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in amaanka magaalada si weyn loo adkeeyay, sidoo kalana ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo halkaas kusii jeeda.

Saraakiil katirsan Wasaarada Gaashaandhiga xukumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uu saacadaha soo socda gaari doono Baydhabo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirka uu Baydhabo kula kulmi dooni  Saraakiisha maamulka iyo kuwa ciidamada ee magaaladaas.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa inuu tababar usoo xiri doono ciidamo katirsan kuwa dowlada oo kusugan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wararkii soo kordha dib kala soco AOL insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.