Home » News »

Xiisado colaadeed oo laga soo sheegayo magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo

arbaqarsoWararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dagaal oo udhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ah.

Dad kusugan Baardheera ayaa AOL usheegay in magaalada ay kusugan yihiin ciidamo badan oo Shabaab ah kuwaas oo aad uqalabaysan isla markaana feejignaan dagaal ku jira.

Warar kale oo naga soo gaaray deegaanka Ufurow ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ee halkaas kusugan ay dhaq dhaqaaq ku wajahan Baardheere ay wadaan.

Ciidamadaas oo aad uhubaysan ayaa gaaray deegaano ku jihaysan Baardheere taas oo cabsi ku abuurtay dadka degan gudaha magaaladaas.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ee kusugan Faafax-dhuun ay iyagana wadaan dhaq dhaqaaq Militeri oo ku wajahan Baardheere.

Col Cabaas oo kamid ah Saraakiisha dowlada ee Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay Baardheere gaaraan saacadaha soo aadan.

Magaalada Baardheere waa magaalada ugu istiraatijisan ee ay xiligan Shabaab ka joogaan gobollada Koofureed ee dalka, waxana ay tahay magaalada labaad ee ay Gedo ka joogaan.

Hadii Shabaab ay lumiyaan gacan ku haynta Baardheere waxaa ciidamada huwanta ah usahlanaan doonto in ay gudaha ugalaan gobolka Jubbada dhexe.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.