Home » News »

Dhibaatooyin lagu hayo dhalinyarada Marka iyo Maamulka Sh/hoose oo kahadlay

Magaalada_marka_Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dhibaatooyin xoogan halkas loogu gaysto dhalinyarada.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa sheegay in maalin kasta xabsiga la dhigo oo aad loo jirdilo dhalinyarada magaalada taasna ay tahay mid sharciga ka baxsan.

“Aad ayaan uga walaacsanahay xaalada ay dhalinyarada Marka kusugan yihiin, maalin kasta waxaa ay la kulmaan jirdil xoogan, dilal iyo xabsi’ayuu sheegay mid kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Marka.

Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose C/Qaadir Maxamed Siidii ayaa rumeeyay hadalka Odayaasha, waxaana uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyinkaas loo gaysanayo dhalinyarada.

Hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in aysan waxba ka qaban karin dhibaatooyinkan oo uu tilmaamay in ay gaysanayaan ciidamo kala duwan oo Magaalada Marka kusugan.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka dhaca falal amaan xumo kuwii ugu badnaa iyadoona qaraxyo joogta ah iyo weeraro kale magaalada lagu qaado.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.