Home » News »

Hilary Clinton oo laga soo saaray isbitaalkii ay ku xanuusanaysay ee dalka Mareykanka

CLiWarbaahinta dalka Mareykanka iyo tan caalamka ayaa waayadan aad uga hadlayay xaalada xoghayihii arimaha dibada ee dalka Mareykanka Hilary Clinton.

Waxaase warar la helay haatan ay sheegayaan in xoghayahii arimaha dibada dalka Maraykanka  laga soo saaray isbitaal ku yaala magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka oo in maalmo ah lagu dabiibayay.

Dhaqaatiirtii ku howlaneyd daweynta Clinton ayaa sheegay inay aad ugu kalsoon yihiin bixinta Clinton inaysan wax dhib ah keeni doonin.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sameyn karto xasuus badan iyo dib usoo celinta howlihii ay qaban jirtay Clinton sida ay ku sheegeen warka kasoo bay dhaqaatiirtaasi.

Clinton ayaa la xanuunsaneysay dhiiga xinjiraha iyo xanuun kaga dhacay maskaxda,taasi oo dhalisay in Clinton ay suuxdo, markii dambana la dhigay isbitaalka ku yaala magaalada New York.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Clinton ay dib ugu laabato xafiiskeedii.

Waxaa la arkayay Clinton oo dhinacyada ay ka taagan yihiin seygeeda Bill Clinton iyo gabadheeda Chelsea Clinton.

AOL USA

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.