Home » News »

Kulan saacado qaatay oo ka dhacay Baydhabo iyo arimo badan oo wali la isku mari la’yahay

baydhaboMagaalada Baydhabo e xarunta gobolka Bay waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga dalka iyo maamulka dowlada ee goboladda Bay iyo Bakool.

Wasiirka gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa si adag uga hadlay xaalada amaan ee magaalada Baydhabo isagoo su’aalo la weydiiyay maamulka magaalada iyo taliska ciidamada.

Maamulka kusugan Baydhabo ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay dhinac kasta ka sugeen amaanka magaalada hase ahaatee ay xiliyada qaar iska dhacaan falalka amaan xumada ah.

Ugu danbayntii ayaa waxaa kulankaas oo sidoo kale ay goob joog ahaayeen saraakiil Amisom iyo Itoobiyaan ah la isla gartay in la sugo amaanka.

Sdioo kale waxaa lagu heshiiyay in duulaan dagaal Al-Shabaab looga qabto magaalooyinka kale ee gacant Shabaab ku jira ee gobollada Bay iyo Bakool.

Hase ahaatee arimaha la isku khilaafay ayaa waxaa kamid ah mideynta ciidamo kusugan magaalada kuwaas oo la rumaysan yahay in ay kala taabacsan yihiin siyaasiyiin kasoo jeedao Bay iyo Bakool.

Ciidamadaas ayaa qaarkood taageersan Shariif Xasan, halka kuwa kalana ay taageersan yihiin Aadan Madoobe oo goboladaas kasoo wadajeeda.

Si kastaba Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in xal rasmi ah lagaari doono, waxaana saacadaha soo aadan ciidamada loo qeybin doonaa mushaaraadkii ay lahaayeen.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.