Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan S Maxamuud ayaa khubad dher ujeediyay ardayda Soomalaiyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Sudan.
Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu yeeray ardayda iyo Soomaalida kale ee dalka Sudan in ay ka shaqeeyaan amaanka dalka ay kusugan yihiin.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan amaanka gudaha Soomaaliya qorshaha dowladana uu yahay nabad
Sidoo kale madaxweynaha ooka hadlayay dagaalka dowlada iyo Alshabaab ayuu sheegay in Alshabaab ay yihiin dhalinyaro dowladana cafis ay u fidisay laakiin sharuuda ay tahay inay isku soo dhiibaan dowlada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay Alshabaab-ka kasoo horjeeda ufudisay cafis hase ahaatee laga doonayo in ay kasoo baxaan kooxaha dagaalamaya oo ay dowlada isku soo dhiibaan
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in dhalinyarada waxkabarata dalkaasi waalidkooda ayka suga yaan kusoo laabashada dalka ,islamarkaan ay hormariyaan wadankooda hooyo.
Ugu Horeyn madaxweynaha ayaa u sheegay in dhalinyarada dalkaasi ku sugan aysan aadi karin dalalka qaarada Yurub,islarmarkaana aysan haweysan inay tahriib galaan.
Madaxweynaha dowlada ayaa kulan kula yeeshay Khartuum dhigiisa dalkaas Sudan iyagoo ka wadahadlay xariirka labada dal iyo arimo kale.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.