Home » News »

Saraakiisha Dowlada ee Gedo oo shaaca ka qaaday qorshe dagaal oo ka dhan ah Baardheere iyo Buurdhuubo

fffXili waayadan lasoo shegayay in xiisado dagaal ay ku wajahan yihiin Baardheere iyo Buurduubo ayaa waxaa arimahaas kahadlay qaar kamid ah Saraakiisha dowlada ee gobolkaas

Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha dowlada ee Gedo ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan Al-Shabaab laga qabsan doono deegaanada iyo labada degmo ee ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshaha dagaal ee lagu qabanayo labadan magaallo oo ay Shabab kusugan yihiin.

“Ciidamadii qaban lahaa Baardheere iyo Buurdhuubo waa diyarsan yihiin, howlgal qorshaysan ayaana lagu qaban doonaa labadaas magaalo’ayuu sheegay Diyaad Cabdi Kaliil.

“Hadii  ay bisha Januray bilowgeeda joogeen qorshaheena ma ahan in ay dhamaystaan, hadii ay isdifaaci karaan ha sameeyaan”ayuu si adag usheegay Sargaalkan kusugan Gedo.

Al-Shabaab ayaa la shegay in ciidamo badan ay galiyeen Baardheere oo ah magaalada ugu istiraatisan ee ay xiligan Koofurta Soomaaliya ka joogaan

Magaaladaas ayaa waxaa ku fursan xiisado dagaal oo wajiyo badan iyadoo duulaanada kadhanka ah magaalada laga qorsheeyay gobolka Bay, deegaanka Faafax-dhuun iyo degmada Garbaharey.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Saraakiisha Dowlada ee Gedo oo shaaca ka qaaday qorshe dagaal oo ka dhan ah Baardheere iyo Buurdhuubo "

  1. mashalaaye says:

    ASC waxaan rajeynayaa arintan amaba abaabulkan inbadan ayaynu sugeynay iyo Al shayaadiin oo lagasaaro Gedo insha alaahu tacaalaa ciidamada qalabkasida ee sida raha ubooda inay dherbaaxo aysan waligood dambe kasoo waaqsan aykudhufan doonaan Al shayaadiin jaan iyo cirib meylay dhigeena lawayn doona isusocodka gedo iyo jubooyinkana uu furmidoona maamul usameynta jubalandna uu halkaa kabilaabandoona isgoo xalaal ah shuushka iyo qurunka meesha kujirana uu bixidoona kuwa haatan wax islayar qaloocinayana xaqa lafahansiin doona insha alaahu tacaalaa wabilaahi towfiikh