Home » News »

Weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho iyo degmad Afgooye “Faah Faahin”

qarax_muqdisho_959648743Kooxo Hubaysan ayaa xalay siyaabo kala duwan qaraxyo ugu gaystay gudaha magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Qarax xoogan ayaa ka dhacay degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir gaar ahaan waxaa lala beegsaday ciidamada dowlada oo kusugnaa Shaleemo Cabdi-Waayeel.

Lama sheegin in qaraxaas uu qasaaro gaystay waxaana ciidamada ay fureen rasaas aan iyadana lagaran karin qasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale Qaraxyo qorsheysan oo la doonayay in laga geysto ayaa la sheegay in lagu fashiliyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose,siday sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Taliyaha saldhiga ciidamada ee  maamulka Degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiid ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa ay  ku qabteen Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye.

Gaariga ayaa la sheegay in lagu qabtay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo la doonayay in lala soo aado magaalada Muqdisho ,si qaraxyo loogu geysto.

Masuuliyiinta maamulka ayaa sheegay in arintaani ay ku surto gashay markii ciidamada dowlada ay sameeyeen howlagalo amaanka lagu xaqiijinayo ayna kusoo qabteen gaarigaani.

Marar badan ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday gudaha Muqdisho iyo degmada kale ee Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.