Home » News »

Puntland oo war kasoo saartay dagaal ay Shabaab kula gashay Buuraha Gal-Gala

Calanka-Puntland2-300x244Dagaal  xoogan ayaa duleedka Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana war kasoo saaray maamul goboleedka Puntland.

Akhri Bayaanka kasoo baxay Maamulka Puntland ee dagaalkii dhacay

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab/Al Qaeda habeenkii Jan. 3, 2013, iyadoo  Ciidamada Puntland ay dileen 3-nin ayna dhaawaceen 5-kale oo ka tirsanaa kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo meel magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka koonfur-galbeed, iyadoo Ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaarka Buuraleyda Galgala ay iska caabiyeen ayna baacsadeen argagaxisadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku shahiiday weerarkaasi gardaradda ahaa.

Dhanka kale, maalin-nimadii Jan. 3, 2013, ayaa Ciidamada Puntland waxay qabteen nin ka tirsan kooxda Al Shabaab isagoo dhulka ku aasaya bambo.

Xogta sirdoonka ayaa cadaynaysa in kooxda argagaxisada Al Shabaab taageero dhaqaale ay ka hesho lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda, iyadoo burcad-badeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo jab militari iyo burbur dhaqaale soo foodsaartay muddoyinkii dambe.

Dowladda Puntland ayaa si wayn u cambaaraynaysa lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda waxayna Dowladda Puntland ugu baaqaysaa Beesha Caalamka in si degdeg ah loo joojiyo bixinta lacagaha madaxfurasho oo

taageero dhaqaale u ah kooxaha burcad-badeeda iyo argagaxisada Al Shabaab.

Waxaa la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

— END —

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.