Home » News »

Qarax qasaaro gaystay oo caawa ka dhacay Xerada Dhagaxley ee dalka Kenya

deg-deg1Wararka ka imaanaya xerada Dhagaxley ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu halkaas goordhow oo caawa ah uu ka dhacay.

Qaraxan ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa Bambo Nooca gacanta laga tuuro ah taas oo lala eegtay goob maqaayad ah oo Dhagaxley kutaal, Waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Labo Ruux ayaa geeriyootay ilaa 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray sida uu soo sheegayo mid kamid ah Dadka deegaanka oo lahadlay AOL.

“Qaraxa waxaa uu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray maqaayad ay dad badan fadhiyeen waxaa la ii sheegay in labo ruux geeriyootay ilaa 6 kalana dhaawac yihiin”ayuu sheegay qof Dhagaxley kusugan.

Kooxdii weerarkaas qaraxa ah gaystay ayaa lasoo shegayaa in ay goobta ka carareen, waxaana durba gaaray ciidamo badan oo katirsan kuwa amaanka KENYA.

Howlgalllo balaaran ayaa haatan ka soconaya halka qaraxaas uu ka dhacay, falkaana waxaa uu kamid yahay mid waayadan ka jiray Xerooyinka Dadaab ee dalka Kenya.

AOL/Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.