Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa kulan balaaran ku yeeshay Ganacsatada Xaafada Islii iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo ay la socen labo Xildhibaan.
Gudiga Gancsatada Islii oo uu hogaaminayay Sh Shakuul ayaa waxaa ay ugudbiyen Wasiirka cabasho ku aadan howlgallo ka dhan ah Soomaalida Xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Waxaa ay Gudiga sheegeen in dowlada looga baahan yahay in ay cadayso mowqifkooda ku aadan howlgalka lagu ugaarsanayo Soomaalida ee Xaafada Islii.
Xildhibaanad Safiyo oo kamid ah mudanayaashii kulankaas joogay ayaa sheegtay in aysan udul qaadan doonin dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah.
Sidaas si lamid ah Aadan Barr Ducaale oo kamid ah Xildhibaanadii kulanka joogay ayaa sheegay in Xildhibaanada ay hordhigi doonaan wax aay ciidamada ka wadaan Islii.
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaajji ayaa sheegay in aysan ka dowlad ahaan bixin amar lagu ugaarsanayo dadka Soomaalida ah.
Waxaa uu sheegay inaysan jirin kulan ay yeesheen golaha wasiirada oo lagu go’amiyay howlgalka, loogana baahan yahay dadka in ay soo qoraan Number-ka askarta ama gariga howlgalka sameyanaya, markaasna talaabo adag laga qaadi doono.
Hadalkan Kasoo baxay kulanka ayaa kusoo aadaya xili xaafada Islii ay ka barakacayaan dadka iyagoo ka cabsanaya qax, sidoo kale dad badan ayaa xasbiga la dhigay oo lacago laga qaatay.
AOL


















comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.