Home » Archive Daily January 5th, 2013

Xiisado dagaal oo ka jira Buuraha Galgala kadib ciidamo ay Puntland gaysay

Jan 5, 2013
Wararka naga soo gaaraya Buuraha Gal-Gala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo badan oo kuwa Puntland ah ay halkaas gaareen saacadihii lasoo dhaafay. Ciidamadan oo aad uhubaysan ayaa lagu arkay Buuraha Gal-Gala waxaana halkaas ka jira xiisado dagaal oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada Puntland. Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in duulaan dagaal ay ku qadeen Gal-gala isla markaana ay meesha... 

Faah Faahin kasoo baxaysa qarax ka dhacay Xerada Dhagaxley ee dalka Kenya

Jan 5, 2013
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo ka dhacay Xerada Dhagaxley oo kamid ah xerooyinka Dadaab ee dalka Kenya Rag Hubaysan ayaa Bambo ku weeraray maqaayad kutaal xerada Dhagaxley oo ay kusugnaayeen dad shacab ah, waxaana halkaas lasoo sheegayaa inay ku dhinteen Dad gaaraya Shan Ruux. Sidoo kale waxaa si dhaawac ah isbitaalka loogu qaaday ku dhawaad 10 ruux oo shacab ah iyadoona dad... 

Wasiir ka bad baaday isku day lagu dili lahaa iyo Weerar lagu qaaday saldhig ciidan

Jan 5, 2013
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen hotelka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari uu ku leeyahay wasiirka amniga ee maamulka Puntland. Kooxo hubeysan oo aan la garanaynin halka ay ka yimaadeen ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen hotelka iyo xabsiga dhexe eemagaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Mid ka mid ahaa ilaalada Hotelka ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray... 

Ahlu Sunna oo balan qaaday in Shabaab ay ka saari doonto Galgaduud

Jan 5, 2013
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee goboladda dhexe dalka ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayaan weerar dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab-ka gobolkaas kusugan. Xili uu lahadlayay saxaafada ayaa Sheekh Maxamed Cartan Shuuriye oo ka mid ah saraakiisha Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ee dalka waxaa uu sheegay in Ahlu sunna ay diyaar u tahay la dagaalanka Alshabaabka ku sugan Galgaduud. Sidoo kale dowladda... 

Wasiirka Gaashaandhiga oo uhanjabay ciidamada dharka dowlada ku dhibaateeya shacabka

Jan 5, 2013
Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa si adag usheegay in ay la dagaalami doonaan ciidamada dadka shacabka ah ku dhibaateeya dharka ciidamada. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Wasiirka gaashaandhiga waxaa uu tilmaamay in ciidamada laga doonayo in ay xaqiijiyaan amaanka shacabka iyo guud ahaanba dalka hase ahaatee dhibaateynta dadka ay tahay mid ka dhan ah sharciga. ‘Dowlada...