Home » News »

Faah Faahin kasoo baxaysa qarax ka dhacay Xerada Dhagaxley ee dalka Kenya

Qarax_Dadaab_-620x330Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo ka dhacay Xerada Dhagaxley oo kamid ah xerooyinka Dadaab ee dalka Kenya

Rag Hubaysan ayaa Bambo ku weeraray maqaayad kutaal xerada Dhagaxley oo ay kusugnaayeen dad shacab ah, waxaana halkaas lasoo sheegayaa inay ku dhinteen Dad gaaraya Shan Ruux.

Sidoo kale waxaa si dhaawac ah isbitaalka loogu qaaday ku dhawaad 10 ruux oo shacab ah iyadoona dad goob joogayaal ah ay sheegeen in dadka la weeraray ay ku caweynayeen maqaayada.

 

Ciidamada Kenya ayaa howlgallo wali ka wada xerada Dhagaxley iyadoo la baadi goobayo kooxihii weerarkaas gaystay kuwaas oo aan la ogayn sababta ay weerarka uqaadeen iyo cida ay yihiin.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.