Home » News »

Wasiir ka bad baaday isku day lagu dili lahaa iyo Weerar lagu qaaday saldhig ciidan

MudanWararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen hotelka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari uu ku leeyahay wasiirka amniga ee maamulka Puntland.

Kooxo hubeysan oo aan la garanaynin halka ay ka yimaadeen ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen hotelka iyo xabsiga dhexe eemagaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Mid ka mid ahaa ilaalada Hotelka ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray ka dib markii kooxaha hubaysan iyo ilaalada uu dhexmaray dagaal muddo daqiiqado ah socday kadib.

Hotelka uu leeyahay wasiirka amniga Puntland ee ku yaala magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ugu horeyn weerarka uu ka dhacay,iyadoo markii dambe weerar kale lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaan xalay ka dhacay saldhiga Boosaaso iyo hotel uu leeyahay wasiirka amniga ee Puntland.

Hase ahaatee weerarkaas ayaa kusoo aadaya xili maalin kahor uu weerar dagaal ka dhacay deegaan qiyaastii Boosaaso ka baxa 40KM.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Wasiir ka bad baaday isku day lagu dili lahaa iyo Weerar lagu qaaday saldhig ciidan "

  1. mr.galgalato says:

    allgedo waan idin salaamayaa aniga waxaan ahay muwaadin reer puntland-somalia ah muwaadin reer jubaland-somalia ah muwaadin reer galgaladuud-somalia ah hadaba walaalayaal allaan idin ku dhaarshaye cadiifada xun oo doqoninada ah intaad iska daysan iska daaya waxaad qoraysan bosaso anaa ka war haya waxaasina kama dhicin hadaad raacaysan ciyaalka reer xamar waxay qoran waa meeesheeda ixtiraama magaca aad wadataan ee gedo mise uma aydinan dhalan puntland ee waxaad tihiin dad iska qatay magacan mahadsanidiin