Home » News »

Wasiirka Gaashaandhiga oo uhanjabay ciidamada dharka dowlada ku dhibaateeya shacabka

fiqiWasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa si adag usheegay in ay la dagaalami doonaan ciidamada dadka shacabka ah ku dhibaateeya dharka ciidamada.

Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Wasiirka gaashaandhiga waxaa uu tilmaamay in ciidamada laga doonayo in ay xaqiijiyaan amaanka shacabka iyo guud ahaanba dalka hase ahaatee dhibaateynta dadka ay tahay mid ka dhan ah sharciga.

‘Dowlada marnaba ma ogolaan doonto dhibaato ku timaada shacabka waliba nin wata dharka ciidamada, hadii taas la arkana waxaa laga qaadayaa talaabo xoogan” ayuu sheegay Fiqi

Sidoo kale waxaa uu ka digay in gacan bir ah lagu qaban doono hadii la arko dad iibinaya dharka ciidamada ama isticmaalaya.

Arimaha kale ee uu kahadlay ayaa waxaa kamid ah ciidamada la tayay doono mudada 4-ta sano ah ee soo socota si dalka uu uyesho awood isku filnaasho ah.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ciidamada dowlada ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee kusugan Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.