Wararka naga soo gaaraya Buuraha Gal-Gala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo badan oo kuwa Puntland ah ay halkaas gaareen saacadihii lasoo dhaafay.
Ciidamadan oo aad uhubaysan ayaa lagu arkay Buuraha Gal-Gala waxaana halkaas ka jira xiisado dagaal oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada Puntland.
Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in duulaan dagaal ay ku qadeen Gal-gala isla markaana ay meesha ka saari doonaan Al-Shabaab.
Wasiirka amniga gudaha Puntland KHaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Puntland ay ka saari doonaan Al-Shabaab-ka badan ee kusugan.
Habeen ka hor ayay Shabaab werareen deegaan qiyaastii 40 KM ka baxsan Boosaaso oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.