Home » Archive Daily January 6th, 2013
Col. Warfaa oo ka waramay shir dhawaan Ceelwaaq ka dhacay oo lagu kala dareeray (Dhageyso wareysi)
Saddexdii bihaan January waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka dhacay shir balaaran oo ay kasoo qeyb galeen mas’uliyiinta, saraakiisha iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Ceelwaaq, ayada oo kulankaasna lagu soo dhaweynayay xubno uu horkacayay Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf (Aw-libaax) oo ka mid ah shaqsiyaad intii muddo ah ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen...
DHAGAYSO: Jamaal Xasan Sarey oo kahadlay dagaal ka dhacay duleedka Garbaharey
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maalintii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa wadada isku xirta degmada Luuq iyo degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo kusii jeeday Degmada Buurdhuubo si ay halkaas uga saaraan ciidamada Al-shabaab oo intii muddo ahba halkaas ku sugnaa.
Kaddib markii ay Alshabaab...
Faah Faahin kasoo baxaysa dagaal Shabaab iyo ciidamada Puntland ku dhexmaray duleedka Boosaaso
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Shabaab iyo ciidamada Puntland iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray duleedka Boosaaso.
Dad kusugan Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalkan uu xalay Shabaab iyo Puntland uu ku dhexmaray tuulo ku taala duleedka Magaalada Boosaaso.
Sida Wararku sheegayaan dagaalka oo la’isugu adeegsaday Hub kala duwan ayaa waxaa jilibka isu dhigtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka...
Ciidamo badan oo maanta lagu daadiyay magaalada Muqdisho
Waxaa maanta wadada isku xirta Isgoyska Zoobe ilaa xarunta madaxtooyada lagu soo daadiyay ciidamo badan oo nabad sugid ah kuwaasi amaanka xaqiijinayo.
Dad badan oo saaka ku soo safray wadadaasi ayaa kaga sheekeeyay wariyaha Muqdishonews.com ee magaalada Muqdisho baaritaanada saaka ka socda wadada Maka Al mukarama.
Mid kamid ah dadkii saaka soo maray halkaasi oo magaciisa ka gaabsaday ayaa yiri” Ciidamo...
DHAGAYSO: Madaxweyne Faroole oo kahadlay dilalka ka dhaca Gaalkacyo, Beledweyne iyo Laascaanood
Madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa dad manaxayaal diin laawayaal ah ku tilmaamay kuwa dilalka ka gaysanaya qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dilalka ka dhacaya inta badan Laascanood, Gaalkacyo, Beledweyne iyo Muqdisho ay yihiin kuwa dano gaar ah laga leeyahay.
Sidoo kale Faroole ayaa sheegay in dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay ciidamada...
DHAGAYSO: Xuseen Carab Ciise oo jago muhiim ah loo dhiibay
Wasiirkii hore ee gashaandhiga dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa soo dhaweeyay xil loo magacaabay kaas oo ah gudoomiyaha gudiga difaaca dalka.
Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay jagadaas uuna soo dhaweynayo, isagoo tilmaamay in horey uu uga soo shaqeeyay arimaha difaaca iyo xukumada.
Wasiirkii hore ee gashaandhiga ayaa sheegay in dowlada ay si weyn ula xisaabtami doonto...
DHAGAYSO: Cali Dheere oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya
Afhayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamed Raage ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay guud ahaan la wareegi doonaan deegaanada Puntland.
Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalo xoogan ay ku qaadeen duleedka Boosaaso ayna dileen askar badan oo Shabaab ah, isagoo carabka ku adkeeyay in Boosaaso ay mar dhow gacantooda soo geli doonto.
Dhanka kale Afhayeenka Koxoda Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay...
DHAGAYSO: Ciidamada Amisom oo Nabadoon iyo Aqoonyahan ku dilay Walaweyn iyo dhibaato la gaystay
Ciidamada Amisom ee kusugan degmada Walawyen ayaa lasoo sheegayaa in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee degan gobolkaas.
Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya dhibooyin ay sheegeen inay ku hayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Mid ka mid ah Odayaasha ku dhaqan degmada Walanweyn ayaa sheegay...