Home » News »

Ciidamo badan oo maanta lagu daadiyay magaalada Muqdisho

nabad sugidaWaxaa maanta wadada isku xirta Isgoyska Zoobe ilaa xarunta madaxtooyada lagu soo daadiyay ciidamo badan oo nabad sugid ah kuwaasi amaanka xaqiijinayo.

Dad badan oo saaka ku soo safray wadadaasi ayaa kaga sheekeeyay wariyaha Muqdishonews.com ee magaalada Muqdisho baaritaanada saaka ka socda wadada Maka Al mukarama.

Mid kamid ah dadkii saaka soo maray halkaasi oo magaciisa ka gaabsaday ayaa yiri” Ciidamo badan oo nabad sugid ah ayaa ku sugan ilaa zoobe ilaa madaxtooyada ,ilaa Number Afar”.

Dadka ayaa saaka ku waaberitiistay ciidamada oo wadada ku safan iyo gaadiidka oo si caadi ah u shaqeynayo iyadoona ay feejignaan xoogan jirto.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha dalka uu lahadli doono ciidamada nabad sugida  gobolka Banaadir isagoo usheegi doona muhiimada sugida amaanka dalka.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.